Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay eedeysane lala xiriirinaya falal dhac ah oo laga gaystay ismaamullada Nairobi, Nakuru, Kiambu, Muranga iyo Kajiado iyadoo lagu soo helay labo qori.
Tuhmanaha la xiray ayaa lagu magacaabaa Ezekiel Kiarie wuxuuna dhuumaaleysanayay dhowr maalmood.
DCI ayaa qoraal ku sheegtay in laga soo qabtay agagaarka waddada Limuru road ee ismaamulka Nairobi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qofkan la qabtay xilli isaga iyo xubnaha qoyskiisa ay ka baxsanayeen Nairobi oo ay doonayeen inay u wareegaan magaalada Dundori ee ismaamulka Nyandarua.
SUSPECTS LINKED TO ARMED ROBBERIES ARRESTED-TWO FIREARMS RECOVERED
A robbery with violence suspect has been arrested and two firearms linked to various robberies in Nairobi, Nakuru, Kiambu, Muranga and Kajiado counties recovered by detectives.
The suspect identified as… pic.twitter.com/72X7h8jBAA
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) June 28, 2023