Nin lagu soo oogay dambi dilka hooyo 100 jir ah oo ku nool Kericho

0
211

Agaasimaha Dacwad Oogista ayaa nin ku soo oogay dacwad dil ka dhan ah hooyadiis oo 100 jir ah, ka dib muran ku saabsan dhaxalka hanti ay hooyada ku leedahay ismaamulka Kericho.
Julius Cheruiyot Bett ayaa lagu eedeeyay inuu hooyadiis ku dhuftay gaari 7-dii bishan Maarso taaasoo ka dhacday deegaanka Kiptere ee maamul hoosaadka Sigowet, taasoo sababtay dhimashadeeda. Waaxda Dacwad oogista, oo uu hoggaaminayo David Fedha, ayaa maxkamadda u sheegay in weerarka uu ka dambeeyay cadaadis uu Bett ku hayay hooyadiis si ay ugu wareejiso dhaxalka hantideeda.
Bett ayaa lagu soo oogay dembiga dilka oo ka soo horjeeda Qodobka 203 ee Xeerka Ciqaabta sida lala aqriyay Qodobka 204, isagoo maxkamadda horteeda isaga fogeeyay eedeeymaha loo jeediyay. Maxkamadda ayaa diiday in la sii daayo ka hor dhageysiga dacwadda iyadoo kooxda dacwad oogiista ay ka soo horjeedsatay sidayntiisa.
Arrinta ayaa dib loogu soo celin doonaa maxkamadda 12-ka bisha May ee sanadkan si loo bilaabo dhageysiga ka hor dacwadda rasmiga ah.