Nin lagu eedeeyay inuu khiyaamay dad shaqo doon ah oo lagu amray inuu bixiyo 12 milyan

0
400

Maxkamad ku taal magaalada Eldoret ayaa amartay nin lagu eedeeyay inuu ka khiyaamay 18 qof oo shaqo doon ah in ka badan 12 milyan inuu bilaabo howsha dib u soo celinta lacagtooda ka hor 29-ka bishan September.
Joseph Kipkoech Keino ayaa lagu eedeeyay in uu lacagtan ka dhacay dhibanayaal ay ka mid yihiin arday jaamacadeed isaga oo si been abuur ah u ballan qaaday shaqooyinka dalka Australia.
Garsoore Cherono Kesse ayaa waxaa ay uga digtay tuhmanaha in haddii uu u hoggaansami weyo amarkeeda inay si degdeg ah ku joojin doonto dhamaandiisa 3-da milyan oo isla markaas xabsiga dib loogu soo celin doono.