Ciidamada booliiska ee xaafadda Kilimani ee ismaamulka Nairobi ayaa gacanta ku dhigay eedeysane 44 sano jir ah.
Cabdi Yuusuf Maxamad ayaa lagu tuhmay inuu haweeney ka khiyaanay 12 milyan oo shilin isagoo ku andacoonaya inuu ka iibinaya dhul ku yaalla magaalada Garissa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in lacagtan oo qayb -qayb loo siiyay ay akoonkiisa bangiyeed ku soo dhacaysay intii u dhexeysay 29-kii bishii 6-aad ee sanadkii 2023-kii iyo 21-kii bishii 11-aad ee sanadkaasi.
Waxaa sidatan sheegay saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Dambi baarayaasha ayaa laga soo xigtay in sida ku cad macluumaadka waaxda diiwaangelinta dhulalka ee Garissa, in dhulkaasi uu ku diiwaan gashan yahay magaca qof kale.
DCI ayaa maanta sheegtay in tuhmanaha laga soo saaray goob uu ku dhuumaaleysanayay oo ku taalla xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi waxaana la geeyay saldhigga booliiska ee Kilimani ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.