Nin ku eedeysan dil oo lagu xiray Sweden

0
570

Ciidamada booliiska ee dalka Sweden ayaa xabsiga u taxaabay qof 16 sano jir ah.
Waxaa uu ku eedeysan yahay inuu saddex ruux ku dilay goob haweenka lagu qurxiyo oo ku taalla magaalada Uppsala sida laga soo xigtay dacwad oogayaasha.
Dadka la dilay galinkii dambe ee Talaadadii ayay da’doodu u dhexeysay 15 ilaa 20 sano.
Magaalada uu dilka ka dhacay ee Uppsala ayaa dhanka Waqooyi uga beegan caasimadda Sweden ee Stockholm.
Waaxda dacwad oogidda ee dalka Sweden ayaa bayaan ku sheegtay in uu socdo baaritaan qoto dheer oo la xiriira dilalka loo gaystay saddexda ruux.