Muwaadin Kenyaan ah oo todobaadkii hore lagu afduubtay Itoobiya ayaa si nabad ah loo sii daayay, waxaa uuna dib ula midoobay qoyskiisa oo ku sugan magaalada Nairobi, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Musalia Mudavadi.
Dhibbanaha, oo lagu magacaabo Samuel Mbugua, ayaa la sheegay in Talaadadii hore laga afduubtay goobtiisa shaqada ee Itoobiya. Mudavadi ayaa waxaa uu sheegay in Mbugua uu yimid dalka subaxnimadii hore ee saaka, isagoo ka degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA), halkaas oo ay ku qaabileen qoyskiisa iyo mas’uuliyiinta dowladda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ammaanay dadaallada isku dubaridka ah ee u dhexeeya hay’adaha amniga iyo diblomaasiyadda Kenya iyo Itoobiya, taasoo keentay in Mbugua la sii daayo. Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in dowladda ay weli ka go’an tahay ilaalinta Kenyaanka ku nool iyo kuwa ka shaqeeya dibadda.
Faahfaahinta ku saabsan ujeeddada afduubka ayaa weli lagu hayaa baaritaan.
Mudavadi ayaa waxaa uu xaqiijiyay in dowladda ay sii wadi doonto la macaamilka mas’uuliyiinta Itoobiya si loo hubiyo in kuwa mas’uulka ka ah la horkeeno caddaaladda.




