Nin ka soo carary xabsi oo dib ugu laabtay 30 sanno ka dib

0
654

Nin u dhashay dalka Australia oo baxsad ahaa ku dhawaad soddon sano ayaa is -dhiibay dhawaan, ka dib markii ay hoy la’aan ku dhacday xanuunka Covid-19 awadii oo ku dhibtooday inuu shaqo helo.
Habeenka 1-dii bishii Agosto 1992, 13 bilood un ka dib markii lagu xukumay saddex sano iyo bar oo xabsi ah, oo lagu helay inuu beray xashiish, Darko “Dougie” Desic wuxuu ka baxsaday Xarunta Asluubta ee Grafton ee New South Wales, isaga oo adeegsanaya qalab uu ku burburiyay xaruunta.
In kasta oo baaritaan ballaaran la sameeyay, mas’uuliyiinta waligood ma aysan awoodin inay helaan Desic, wuxuuna sii ahaa baxsad 29 –kii sanno ee xigay.
Laakin arrinta la yaabka leh ayaa noqotay markii uu mar uun iska xaadiriyay saldhig boolis si uu isu soo dhiibo waqtigaas oo dhan ka dib.
Sida ay noqotay, waxaas oo dhan waxaa sabab u ahaa masiibada Covid-19, maaddaama xiritaankii halkii uu ka shaqeenayay Desic ay ka dhigtay hoy la’aan isla markaana aan haysan waddo uu isku taageero.
ABC ayaa werisay in baxsadka ku dhashay Yugoslavia uu u cararay xeebaha waqooyi ee Sydney halkaas oo uu ka shaqeenayay dhisme iyo inuu ahaa gacan-yare si uu nolol maalmeedkiisa u helo.
Xaaladdiisa awgeed, mar walba wuu is hayn jiray, marna cidna kalama hadlin taariikhdiisii hore, wuxuuna u lugayn jiray meel kasta oo uu u baahdo si uu u helo, sababtoo ah ma heli karin laysanka darawalnimada.
waxaa kale oo la sheegay inuusan marna booqan dhakhtar ama goob caafimaad 29kii sano ee la soo dhaafay, si uu uga fogaado in la aqoonsado.
Iyada oo uu ka mid ahaa baxsadka ugu caansan Australia, Desic wuxuu lahaa sabab uu uga fogaado kor u qaadista dareenka. Wuxuu mar ka soo muuqday taxanaha TV -ga caanka ah ee Australia oo Aad Loogu Raadinayay markii qof u maleeyay inay ku arkeen waqooyiga Sydney, sidaa darteed wuxuu isku dayay intii karaankiisa ah inaan la aqoonsan.
Mar un, Darko Desic wuxuu go’aansaday inuu isku dhiibo Dee Why Police Station, waxaana lagu soo oogay inuu ka baxsaday xabsi sharci ah, waxaana la dhigay xabsi damiin la’aan.
Desic hadda wuxuu haystaa ugu yaraan hal sano iyo hal bil si uu u dhammaystiro xukunkii lagu xukumay, ka hor inta uusan codsan sii -dayn sharafeed, laakiin wuxuu kaloo wajahayaa ugu badnaan toddoba sano oo xabsi ah oo ka dhalatay ka baxsadkii xabsiga.