Waxaa lagu soo warramayaa in nin Israa’iil ah uu toogasho ku dilay macallin ka soo jeeda Falastiin.
Macallinka oo lagu magacaabayay Odeh Muhammad Hadalin ayaa lagu toogtay Masafer Yatta ee Daanta Galbeed ee la haysto ee Falastiin.
Dhanka kale , hay’adaha xuquuqul aadanaha ee Israa’iil ee B’Tselem iyo Physicians for Human Rights ayaa soo saaray warbixinno ay ku sheegayaan in Israa’iil ay Qaza ku xasuuqaysa Falastiiniyiinta.
Isniintii ayay ahayd markii la diiwaangeliyay in Israa’iil ay guud ahaan Qaza ku dishay ugu yaraan 92 ruux oo ay ka mid yihiin 41 sugayay gargaar baniaadannimo.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , waxaa duullaanka militari ee Israa’iil ee Qaza lagu dilay in ka badan 59,921 qof halka la dhaawacay 145,233 kale.