Nin isku gubay magaalada Mombasa oo dhaawac soo gaaray laga dabiibaya

0
479

Waxaa lagu soo warramayaa in nin xaaladdiisa caafimaad ay dhakhaatiirta la tacaalayaan ka dib markii la sheegay inuu isku gubay agagaarka deegaanka hoose ee Mwembe Tayari ee ismaamulka Mombasa..
Waxaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee gobolka Xeebta, oo laga daweynaya dhaawac culus oo soo gaaray.
Muuqaal baraha bulshada lagu faafiyay gelinkii dambe ee shalay ayaa laga dhex arkayay ninkan oo aan wali la aqoonsan oo is gubaya, iyadoo dadkii goobta dhacdadan laga soo tabiyay joogay ay daawanayeen.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta ka dambeysa in ninkan uu dab is qabadsiiyo.
Sidoo kale booliiska ayaa wali ka hadlin dhacdadan.