Nin loo soo xiray eedeymo la xiriira xatooyo ayaa la sheegay in uu is dilay, xilli uu ku jiray xabsiga booliska ee saldhigga Katito ee ismaamulka Kisumu.
Sida lagu sheegay warbixinta Booliska ninkaas ayaa isku ceejiyay jaagadiisa,xili laga helay isagoo ka soo laalaada qolka lagu hayay.
Dhacdadan ayaa la sheegay inay dhacday wax ka yar laba saacadood ka dib markii la soo xiray.
Dembi baarayaal ka socda (DCI) Nyakach, Taliyaha Booliska Muhoroni, ayaa booqday goobta uu ninka isku dilay iyagoona bilaabay baaritaano.
Maamulka madaxa banaan ee kormeerka booliska (IPOA) ayaa la filayaa in ay la wareegaan arintan.