Waxaa maanta dacwad lagu soo oogay nin Laptop ka xaday guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC.
Eedeysanaha oo ay maxkamaddu magaciisa ku sheegtay Muusa Ogendo Sirangi ayaa lagu eedeeyay inuu xaday Laptop qiimahiisu yahay 226,240 ee shilinka dalka ah.
Waxaa uu dhacaan gaystay maalinkii Arbacada ee 17-kii bishan.
Eedaysanaha oo ka soo hor muuqday garsooraha maxkamadda Milimani ee magalada Nairobi Robinson Ondieki, ayaa iska fogeeyay eedeymaha lagu soo oogay.
Waxaa uu intaasi ku daray in booliska ay soo weerareen markii la xirayay.
Garsooraha ayaa amray in baaritaan maskaxeed lagu saameeyo eedeysanaha islamarkaana maalinka Isniinta ee toddobaadka dambe dib loogu soo celiyo maxkamadda.