Nin hubeysan oo saddex qof oo madow ah ku dilay dalka Maraykanka

0
312

Waxaa lagu soo warramayaa in nin caddaan ah oo wejiga soo duubtay uu saddex qof oo madow ah ku dilay dukaan ku yaalla gobolka Florida ee dalka Maraykanka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ninkan oo 20 sano jir ah uu ku hubeysnaa qori inkastoo aan la shaacin magaciisa.
Weerarkan ayaa lagu tilmaamay mid ku saleysnaa isir naceyb .
Mid ka mid ah saddex qof ee la dilay ayaa la sheegay inay ahayd haweeney.