Nin ay da’diisu tahay 45 sano oo horay uga shaqeynayay daryeelka carruurta ee dalka Australia ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu tacaddi galmo kula kacay 91 carruur ah.
Falalkaasi ayaa lagu sheegay xadgudubyadii ugu waynaa ee loo gaysto ubadka wadankaasi.
Ninkan ayaa wajahaya dembiyo gaaraya 1,623.
Waxay isugu jiraan 136 kufsi ah ,110 dhacdo oo uu ugu galmooday carruur ay da’doodu ka hooseyso 10 sano iyo 613 kale oo uu ku soo saaray waxyaabo carruur dhibaato ku ah sida laga soo xigtay booliiska dalka Australia.
Dembiyadan ayaa laga kala gaystay 12 ka mid ah xarumaha carruurta lagu xanaaneeyo ee magaalooyinka Sydney, Brisbane iyo kuwo kale intii u dhexeysay 2007 ilaa 2022-kii.