Nin hooyadiis ku dilay Siaya oo lagu xukumay xabsi daa’in

0
348

Maxkamadda sare ee ismaamulka Siaya ayaa nin 26 sano jir ah ku xukuntay xabsi daa’in ka dib markii lagu cadeeyay dembi ah inuu dilay hooyadiisa.
Silas Ouma Odongo ayaa dhibaatadan gaystay isagoo ku sugan deegaan baarlamaneedka Gem.
Waxaa uu hooyadiis dilay ka dib markii uu dhex maray muran dhanka dhulka ah.
Waxaa uu ka soo hormuuqday garsoore Daniel Ogembo oo ku helay dembi ah inuu 16-kii bishii Afaraad ee sanadkan ka takhalusay hooyadiisa oo 67 sano jir ahayd oo lagu magacaabo Jenipher Atieno Odongo.