Koox ka tirsan saraakiisha sharciga oo ay hogaaminayaan dambi-baarayaal ka hawlgala Deegaan Baarlamaaneedka Embakasi ayaa gacanta ku dhigay hal shaqsi oo magaciisa lagu sheegay Brown Carlos Butrose Kombo kaas oo laga soo qabtay Xaafada Utawala ee ismaamulka Nairobi.
Intii uu socday howlgalka ayaa waxaa lagu soo furtay bastoolad nooca Glock ah oo ay ku raran tahay todobo iyo toban xabo oo rasaas ah.
Hubka ayaa lagu qariyay talaajad dhexdeeda.
Iyagoo raacaya warbixinnada sirdoonku, waxay askartu weerar ku qaadeen guriga Kelvin Heights, ee Xaafada Utawala, halkaas oo laga soo qabtay tuhmanaha iyo hubkii uu haystay.
Eedeysanaha ayaa la dhigay saldhiga Booliska ,waxaana la filayaa baaritaano ka dib in maxkamadda la soo taago.