Nin ganacsade ka dhacay 11 milyan oo maxkamad la soo taagay

0
853

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in maxkamadda ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha wadanka la soo taagay eedeysane lagu magacaabo Martin Shiamia Matchel oo 31 sano jir ah.
Waxaa lagu soo oogay dacwado ay ka mid tahay in isagoo iska dhigaya wakiil matalaya hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNCHR uu qof ganacsade ah ka dhacay lacag dhan 11 milyan oo shilin.
DCI ayaa sheegtay in eedeysanaha oo iska fogeeyay dacwadaha loo haysto uu falka dhaca ah u isticmaalay shaabbad faalis ah.
Axaddii ayay ahayd markii ay ciidamada ammaanka qabteen xilli uu doonayay inuu ka gudbo xadka magaalada Namanga si uu u gaaro dalka Tanzania.
Waaxda dambi baarista oo magaca ganacsadaha la khiyaanay ku soo koobtay Maxamad ayaa dadweynaha uga digtay qorshayaasha xeeladeysan ee looga lunsan karo hantidooda.