Maxkamadda deegaan baarlamaneedka Ndhiwa ee ismaamulka Homa Bay ayaa xukun xabsi daa’in ah ku ridday nin lagu magacaabo Washington Onyango oo lagu helay dembi ah inuu faraxumeeyay gabadhiisa oo 9 sano jir ah.
Waxaa maxkamadda loo sheegay inuu falkan gabadha kula kacay saddex xilli.
Saraakiisha waaxda dacwad oogidda ayaa xaqiijiyay in Onyango horay loogu soo oogay dacwad tani la mid ah balse damaanad lagu siidaayay isagoo mar kale faraxumeynta gaystay.
Waaxda dacwad oogidda oo uu matalaya Moses Obiri ayaa soo bandhigtay marqaati gaaraya 10.
Xukunka maxkamadda ayaa ku soo beegmaya wax ka badan labo bilood markii nin 48 sano jir ah lagu xukumay xabsi daa’in ka dib markii uu ismaamulka Mombasa ku faraxumeeyay gabadh 9 sano jir ah.
Sidoo kale bishii Saddexaad ee sanadkan maxkamadda Wajeer ayaa nin 26 sano jir ah ku xukuntay xabsi daa’in ka dib markii uu faraxumeeyay gabadh ay da’deedu tahay 7 sano.
He was charged again, denied bond and all the charges were consolidated. Prosecution through Mr. Moses Obiri lined up 10 witnesses and their testimonies corroborated. The life sentences in both counts to run consecutively; one after the other.
— Office of The Director Of Public Prosecutions (@ODPP_KE) May 29, 2023