Nin Falastiini ah oo 5 qof toogasho ku dilay magaalada Tel Aviv ee Israa’iil

0
353

Waxaa lagu soo warramayaa in nin dhalasho ahaan ka soo jeedo dalka Falastiin uu ugu yaraan 5 qof ku dilay magaalada Tel Aviv ee Israa’iil, ka hor inta aan toogasho lagu dilin.
Waxaa dhacdadan xaqiijiyay madaxa waaxda gurmadka degdeg ah ee wadankaasi.
Warbaahinta Israa’iil oo soo xiganeysa saraakiil amni oo aan magacooda la shaacin ayaa sheegay in ninka weerarka gaystay uu ahaa Falastiini ka soo jeeda tuulo u dhow magaalada Jenin ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.
Booliska ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in nin ku hubeysnaa qoriga nooca daran dooriga u dhaca uu rasaas ku furay dad marayay waddada Bnei Brak ee magaalada Tel Aviv.
Ra’iisul wasaaraha dalka Israa’iil Naftali Bennett ayaa qoraal uu ku soo daabacay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka, ku sheegay inay wajahayaan mowjado argagaxiso Carbeed oo dilaa ah.
Waxaa uu ku baaqay in kulan degdeg ah ay isugu yimaadaan saraakiisha ugu sarreysa ammaanka ee Israa’iil.
Weerarkan ayaa ku soo aadaya iyadoo laba cisho ka hor 2 askari oo boolis ah lagu dilay magaalada Hadera ee israa’iil.
Sidoo kale labo toddobaad ka hor ayay ahayd markii weerar toorreey loo adeegsaday oo ka dhacay koonfurta magaalada Beer al-Sabe ay ku dhinteen afar qof.
Kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ISIL ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarradii ugu dambeeyay ee laga gaystay dalka Israa’iil.
Ra’iisul wasaaraha dalka Israa’iil Naftali Bennett ayaa dhanka kale sheegay in weerarradii dhawaan ka dhacay gudaha wadankaasi ay muujinayeen xaalad cusub oo u baahan in la qaado tallaabooyin amni.