Nin dilay xaaksiisa iyo canuugiisa oo lagu xiray ismaamulka Siaya

0
292

Booliska deegaanka Ugunja ee ismaamulka Siaya ayaa gacanta ku haya nin 40 sano jir ah oo looga shakisan yahay in uu dilay xaaskiisa oo uur lahayd iyo wiil uu dhalay oo 3 sano jir ahaa.
Tuhmanaha ayaa markii uu dilka fuliyay damcay in uu isagana isdilo ka dib markii uu cunay qayb ka mid ah sunta cayayaanka.
Sida uu sheegay maamulaha deegaanka Madungu, Stephen Ndoj, tuhmanaha ayaa la helay isagoo miyir qaba.
Ndoj ayaa sheegay in dhacdadan ay xalay ka dhacday tuulada Mbambra.
Arrintan ayaa salka ku heysa muran qoys sida la rumaysan yahay.
Wiilka yar oo uu dhaawac daran uga gaystay dhanka madaxada ayaa ugu dambeyn ku geeriyooday isbitaalka xili lala tacaalayay xaaladiisa caafimaad.
Ciidamada dambi baarista ee dalka ayaa sheegay in dhacdadan ay ku bilaabeen baaritaan.
Tuhmanaha waxa la dhigay cisbitaal,iyadoo ay si weyn u ilaalinayaan Booliska si maxkmadda loo soo taago sido kalena loogu soo oogo dacwad dil ah.