Nin dadka tahriibinayay oo lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah

0
273

Maxkamadda magaalada Loitoktok ee ismaamulka Kajiado ayaa xukun xabsi oo 15 sano ah ku ridday nin lagu helay dembi ah tahriibinta aadanaha.
Peter Muturi ayaa waxaa xukumay garsoore Samuel Ndungu.
Hasa ahaate waxaa u furan inuu bixiyo ganaax lacageed oo ah 15 milyan oo shilin si aan xabsiga loo dhigin.
Peter Muturi ayaa sidoo kale lagu ganaacay 50,000 oo shilin ka dib markii lagu helay nooca daroogada ee xashiishka oo mug ahaan dhan 3.4 kiilogaraam.
Maxkamadda ayaa sheegtay in saraakiisha dacwad oogidda ay soo bandhigeen caddeymo wax ku ool oo ka dhan ah tuhmanaha waxaa uuna haystaa 14 cisho oo uu racfaan uga qaadan karo go’aanka maxkamadda.