Nin da’a ah oo ku dhex geeriyooday diyaaradda Kenya Airways

0
457

Diyaarad ay leedahay shirkadda Kenya Airways oo ka soo duushay magaalada New York kuna soo jeeday magaalada Nairobi ayaa masiibo ku habsatay kadib markii qof da’ ah oo rakaab ah uu hawada ku geeriyooday markii ay soo wajahday xaalad caafimaad oo degdeg ah.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay shirkadda Kenya Airways, shilkan ayaa ka dhacay diyaaradda KQ 003, taasoo ka soo duushay garoonka diyaaradaha ee John F. Kennedy International Airport (JFK) ee magaalada New York, kuna soo jeeday garoonka Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) ee magaalada Nairobi.
Shaqaalaha diyaaradda KQ ayaa dadaal ay ku doonayeen in ay ku badbaadiyaan ninkaas ayaa u suurtagalin iyagoona diyaaradda ku dajiyay garoonka Entebbe ee waddanka Uganda si wax looga qabto xaalada caafimaad ee qofka dhintay .