Maxkamadda dalka ayaa ganaax lacageed oo dhan 50,000 oo shilin ku ridday qof dhallinyaro oo lagu soo oogay dacwad ah inuu baraha bulshada ku isticmaalayay magaca madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Haddii uunan ganaaxan bixin waxaa uu xabsi ku jiraya muddo toddobo bilood ah.
Eedeysanaha ayaa lagu magacaabaa Collins Kipleting Serem waxaana loo yaqaanaa Reng Star.
Xukunka maxkamadda ay saartay ayaa yimid ka dib markii uu qirtay dembiga lagu soo oogay.
Isagoo iska dhigaya Gahagua ayuu adeegsanayay akoon Facebook oo been abuur ah.
Waxaa uu maxkamadda ka codsaday inay u naxariisato maadaama uu raadsanayay lacago uu ku horumarin karo fankiisa.
Saraakiisha ammaanka ayaa ka soo qabtay Sugoi oo ka tirsan magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu maalmo un ka dib markii uu sameystay bartan been abuurka ah.