Nin 42 sano jir ah oo ku nool dalka India ayaa dhawaan qabsaday cinwaannadda warbaahinada caalamiga ah ka dib markii lagu arkay xaalad aan caadhi ahayn oo u horseeday inuu seexdo 300 oo maalmood sanadkii.
Warbaahinta Hindiya ayaa dhawaan soo warisay kiiska la yaabka leh ee Purkharam, oo ah da ’dhexe deggan tuulada Bhadwa, ee Rajasthan, oo la sheegay inuu la il daran yahay xanuunka” HPA axis hypersomnia “, xaalad naadir ah oo u keenta inuu seexdo muddo dheer oo waqti ah oo socon kara ilaa 25 maalmood.
23 sano ka hor, markii ugu horreysay ee la ogaaday in cudurka uu qabo ‘Purkharam’ kaas oo ah mid dhif ah, wuxuu seexday qiyaastii 15 saacadood hal mar, laakiin astaamihiisu si tartiib tartiib ah ayey uga sii dareen waxaana sanadkii 2015 qoyskiisa ay bilaabeen inay ku tiriyaan jadwalka hurdadiisa maalmo halkii laga rabay saacado.
Ninkan oo leh dukaan yar ayaa seexan jiray wax ka badan 7 ama 8 maalmood halkii mar, laakiin xaaladiisaa ayaa kasii dartay, wuxuuna hada seexdaa ilaa 25 maalmood.
365-ta maalmood ee sannadkii, wuxuu hurda ku dhameystaa ilaa 300 maalmood.
Purkharam wuxuu dukaan xaafadeed ku leeyahay tuuladiisa, laakiin xaaladdiisa darteed, wuxuu hadda ku shaqeyn karaa kaliya 5 maalmood bishii. Mararka qaar wuu seexdaa inta uu shaqada ku jiro, mar haddii ay taasi dhacdona, ma kici karo.
Waxa kaliya ee ay qoyskiisa u sameyn karaan ayaa ah inay u kaxeeyaan gurigiisa oo ay cunno siiyaan oo xitaa ay u qubeyaan inta uu hurdo.
Xaaska Purkharam, Lichmi Devi, ayaa sheegtay inuu soo kacay maalintii Axadda ka dib markii uu jiifay 12 maalmood oo xiriir ah, waxa ugu horreeya ee uu sameeyayna ay ahayd inuu furo dukaankiisa.