Maxkamad ku taalla Mombasa ayaa nin 21 sano jir ah ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah ka dib markii lagu cadeeyay inuu faraxumeeyay gabadh ay da’deedu tahay 13.
Waxaa go’aanka maxkamadda ku dhawaaqay garsoore David Odhiambo.
Xaakinka ayaa xusay in lala wadaagay caddeyn wax ku ool ah oo uu Isaac Juma Odhiambo ku muteystay xukunka xabsiga.
Waaxda dacwad oogidda ee dalka ayaa sheegtay in Issac uu gabadha faraxumeeyay xilliyo kala duwan oo u dhexeyay bilihii Saddexaad ilaa 11-aad ee sanadkii 2021 xilli uu ku sugnaa aagga Kibarani oo ka tirsan deegaanka Jomvu ee ismaamulka Mombasa.
Labo toddobaad ka hor ayay ahayd markii maxkamadda magaalada Eldoret ay oday 71 sano jir ah ku xukuntay xabsi daa’in ka dib faraxumeyn uu kula kacay canug 2 sano jir ah.