Netanyahu oo sheegay in xabbad joojin aynan ka dhaqan galayn Qaza inta Xamaas laga burburinaya

0
413

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in aynan suuragal ahayn in xabbad joojinta waarta ay ka dhaqangasho Qaza ilaa iyo inta ay ka burburinayaan ururka Xamaas.
Tani ayaa shaki gelinaysa soo jeedin la xiriirta heshiis xabbad joojin oo uu madaxweynaha Maraykanka Joe Biden sheegay in ay ka timid Israa’iil.
Biden ayaa xusay in Israa’iil ay soo bandhigtay heshiis horudhac ah oo qaadanaya 6 toddobaad oo ay militarigooda qayb ka mid ah uga baxayaan Qaza sidoo kalena lagu siidaynaya qaar ka mid ah maxaabiista.
Waxaa uu intaasi ku daray in Israa’iil iyo Xamaas ay ka wada xaajoodeen sidii colaadda loo soo afjari lahaa.
Hasa ahaate, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku adkeystay in aynan xabbad joojin dhaqan geli doonin ilaa ay meesha ka saarayaan awoodaha militari iyo maamuleed ee Xamaas.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, ugu yaraan 36,379 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Qaza halka la dhaawacay 82,407 kale.