Netanyahu oo raalli gelin ka bixiyay qoraal uu tiray oo uu ciidamadiisa ku dhaliilayay

0
370

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa raalli gelin ka bixiyay qoraal intii uu soo dhigay barta X uu tiray kaasoo uu ciidamada ammaanka ee Israa’iil ku eedeynayay inay ka gaabiyeen ka hor tagga weerarkii ururka Xamaas ee 7-dii bishan.
Waxaa uu qoraalka ku sheegay in aan lala wadaagin xog sirdoon oo arrinkaasi ku aaddan.
Waxaa uu eedda dusha ka saaray taliyaha guud ee militariga iyo madaxa sirdoonka militariga Israa’iil ee loo yaqaano Shin Bet oo uu sheegay inay Xamaas ku tilmaameen koox la xakameeyay.