Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Netanyahu ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka Sharm el-Sheikh ee Masar gelinka dambe ee maanta, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Masar.
Tan ayaa imaanaysa saacado ka hor markii uu Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump gaaray Israa’iil.
Trump ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta uu khudbad ka jeediyo Knesset-ka Israa’iil, isagoo markaas kaddib u duuli doona dalka Masar si uu u guddoomiyo shir madaxeedka heshiiska xabbad joojinta.