Netanyahu oo doonaayo dammaanad qaadka Mareykanka ee weerarrada ka dhanka ah Iiraan

0
449

Maamulka warbaahinta Israa’iil ayaa ku warramaya in Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu la filayo in uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ka codsado dammaanad ay ku awoodaan in ay weerar ku qaadaan Iiraan haddii ay Israa’iil ogaato in mas’uuliyiinta Iiraan ay isku dayaayaan in ay dib u dhisaan barnaamijka Nukliyeerka ee dalkaas ama hubkooda gantaallada.
Netanyahu, oo la qorsheeyay inuu u safro Mareykanka toddobaadka soo socda, ayaa laga yaabaa inuu warqad qoraal ah kaga codsado Mareykanka, sida ay sheegtay warbaahinta.
Dagaalka Israa’iil iyo Iiraan, oo socday muddo 12 cisho ah, ayaa Israa’iil waxaa ay si weyn u dhaawacday wax-soo-saarka gantaallada Iiraan, waxayna waxyeello u geysatay awooddii Nukliyeerka ee dalkaas.
In kasta oo inta uu le’eg yahay khasaaraha weli lagu muransan yahay, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Abbas Araghchi ayaa qiray Khamiistii in xarumaha Nukliyeerka ee waddanka ay soo gaareen “khasaare weyn oo halis ah” ka dib markii Mareykanka uu ku tuuray bambooyinka lagu jabiyo buuraha saddex goobood oo muhiim ah.