NEP College oo hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah ka ganacsiga dadka ee Gaarisa

0
367

Iyada oo ismaamulka Gaarisa uu la daalaa dhacayo kor u kaca tahriibinta dhallinyarada ee Liibiya kuliyada waxbarashadda caafimaadka ee NEP College of Health Sciences ayaa bilaabay olale wacyi gelin ah oo loogu magac daray waxbarasho iyo awood.
Kuleejka NEP College oo Health Sciences ayaa bilaabay olole lagu beegsanayo ardayda fasalka afaraad ee dugsiga sare iyada oo ujeedadu tahay in lagu qalabeeyo hagitaan shaqo, latalin, iyo macluumaadka naf badbaadinta ee ku saabsan khatarta ka ganacsiga dadka.
Hindisaha, oo ay hoggaaminayeen ardayda, shaqaalaha, iyo maamulka NEP, ayaa loogu talagalay in dhallinyarada Gaarisa laga fogeeyo ka faa’iidaysiga iyo xagga xirfadaha daryeelka caafimaadka, halkaas oo ay maalin uun ugu adeegi karaan bulshadooda.
Ololahan ayaa waxaa udub dhexaad u ahaa Safiya Sheekh Cumar oo ah maareeyaha kuliyada, oo muxaadaro u jeedisay ardayda wax ka barata dugsiga sare ee County High iskuulkan oo wali la daalaa dhacaya la’aanta saddexdii arday ee fasalka labaad oo dhawaan la xaqiijiyay in loo tahriibiyay Liibiya.
Sophia ayaa ka digtay in dadka wax tahriibiya ay bartilmaansadaan ardayda jilicsan, iyaga oo u sameeya balamo been abuur ah, ugu dambeyntiina madax furasho ka dalbadaan waalidiinta.
Ardayda ayaa sidoo kale wax laga baray cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS-ka, ku xad gudbida maandooriyaha, iyo maaraynta walbahaarka arrimahan oo si qoto dheer ugu xiran baylahnimada dhallinyarada.