NEMA oo xirtay in ka badan 200 oo goobaha dahab laga qodo ee Turkana

0
403

Maamulka Qaran ee Maareynta Deegaanka (NEMA) ayaa xirtay in ka badan 200 oo goobood oo dahabka laga qodo oo ku yaala deegaanada Kambi Karai iyo Lami Nyeusi ee ku teedsan wabiga Turkwel ee ismaamulka Turkana ka dib markii ay ku shaqaynayeen iyaga oo aan haysan shatiyadii loo baahnaa.
Hay’adda ayaa waxaa ay sheegtay Isniintii in ay ka jawaabayso cabashooyinka sii kordhaya ee dadweynaha ee ku saabsan waxyeelada deegaanka ee ka dhalatay macdanta sharci darrada ah ee deegaanka.
Sida ay sheegtay NEMA, hawlaha macdan qodista ayaa la sameeyay iyada oo aan la haysan shatiyada qiimaynta saamaynta deegaanka (EIA), kuwaas oo waajib ku ah hawlahan oo kale.
Hawlgalladan oo aan sharciyeysnayn ayaa waxay ka tageen godad dhaadheer, waxayna wasakheeyeen webiga taasoo keentay in biyaha ay noqdaan kuwo aan nadiif u ahayn dadka deegaanka.
Inta ay socoto hakinta, NEMA ayaa waxaa ay kormeer ku sameyn dontaa goobaha ay dhibaatada saameysey si loo go’aamiyo heerka u hoggaansanaantooda.