NEMA oo siisaa ismaamullada 21 cishe oo kama dambays ah si ay u dhaqan geliyaan sharciga kala soocidda qashinka

0
366

Dowladaha ismaamullada ayaa la siiyay 21 maalmood oo kama dambays ah si ay ugu hoggaansamaan xeerarka cusub ee maaraynta qashinka ee u baahan kala soocida, iyadoo Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka (NEMA) ay ka digtay in haddii wax laga qaban waayo ay soo jiidan karto ganaax, xarig, ama labadaba.
Maamulka ayaa sheegay in dhammaan dowlad deegaannada ay tahay inay dib u habeyn ku sameeyaan qashinka, bixinta kaabayaasha qashinka kala soocida iyo inay xoojiyaan ururinta si waafaqsan sharciga Maareynta Qashinka Joogtada ah.
Xeerka Maareynta Qashinka Joogta ah, oo la saxiixay 8-dii bishii July ee 2022-kii ayaa waxa uu ku qotomaan yahay mabda’a yaraynta qashinka iyo soo kabashada. Agaasimaha guud ee NEMA Mamo Boru Mamo ayaa ku nuuxnuuxsaday in dhammaan dadka dhaliya qashinka ay tahay in ay kala saaraan qashinka halka uu ka imanaayo, halka gaadiidleyda looga baahan yahay in ay qaadaan qashinka lakala soocay oo kaliya. Dowladaha ismaamullada ayaa dhankooda loo igmaday inay bixiyaan kaabayaasha lagama maarmaanka ah si kor loogu qaado kala-soocidda qashinka.
Sida waafaqsan Xeerarka Maareynta Qashinka 2024, qashinka waa in lagu kaydiyaa weel midab leh: cagaar qashinka dabiiciga ah, madow qashinka guud iyo buluug qashinka dib loo warshadayn karo.
Sida uu sharciga qabo, shakhsiyaadka ku guul daraystay inay kala soocaan qashinka guryaha ayaa waxaa ay la kulmi doonaan ganaax lacageed oo dhan 20,000 oo shilinka dalka ah, xarig lix bilood ah ama labadaba.
Bixiyeyaasha adeegga qashinka ee ku xad gudba qawaaniinta ayaa waxaa ay halis ugu jiraan ganaax dhan 50,000 oo shilinka dalka ah, xarig lix bilood ah, ama labadaba.