NEMA oo shaqada ka joojisay saraakiil oggolaansho siiyay shirkadda gaaska ee Embakasi

0
191

Maamulka qaran ee maareynta deegaanka ee (NEMA) ayaa si ku meel gaar ah shaqada uga istaajiyay afar sarkaal.
Howlwadeennadan ayaa loo haystaa inay shati siiyeen xarunta shidaalka ee deegaanka Embakasi ee uu dhawaan ka dhacay qarax ka dhashay gaaska cuntada lagu karsado.
Waxaa dhacdadaasi ku dhintay ilaa 3 qof halka 280 kalena ay ku dhaawacmeen.
Guddoomiyaha guddiga maamulo NEMA Emilio Mugo ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in agaasimaha u hoggaansanka xeerarka deegaanka , sii hayaha xilka agaasime ku xigeenka u hoggaansanka xeerarka , sarkaal deegaan oo sare iyo madaxa qiimeynta saameynta soo gaarti karto deegaanka laga doonaya inay shaqooyinka ay hayaan si ku meel gaar ah dhinac uga istaagaan.
Waxaa uu Mugo xusay in bishii labaad ee sanadkii hore la qaatay go’aan shirkadda shidaalka lagu siiyay leesinka la xiriira qiimeynta saameynta dhanka deegaanka ee (EIA) .
Hasa ahaate waxaa uu xusay in dabagal qoto dheer oo la sameeyay lagu ogaaday inay jireen dulduleello aan la buuxin.
Shalay ayay ahayd markii maamulka qaabilsan maareynta tamarta iyo batroolka ee dalka ee EPRA uu sheegay in xaruntaasi ay si sharci darro ah ku shaqeynaysay maadaama sanadkii hore laga diiday ilaa saddex codsi oo ay soo gudbisay.
Wasiirka wasaaradda tamarta ee dalka Davis Chirchir iyo dhigiisa arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa dhankooda sheegay in markii haamaha shidaalka ee qarxay lagu shubayay gaaska aan la adeegsan habraaca saxda ah.