Maamulka qaran ee maareynta deegaanka ee (NEMA) ayaa hakiyay diiwaangelinta khuburrada qiimeynta ku sameeya deegaanka.
Tani ayaa loo aaneeyay dib u eegis lagu sameyn doono diiwaanka.
Waxaa arrintan xaqiijiyay Agaasimaha guud ee maamulka NEMA Mamo B. Mamo.
Bayaan uu maanta soo saaray ayuu ku xusay in dib u eegista diiwaanka ay socon doonto ilaa bisha Toddobaad ee sanadkan.
Tan iyo sanadkii 2004-tii , maamulka qaran ee maareynta deegaanka ee NEMA ayaa diiwaangeliyay in ka badan 12,000 oo ah khuburrada qiimeynta ku sameeya deegaanka.
PUBLIC NOTICE: Suspension of Registration of Environmental Assessment Experts @EIK_Kenya pic.twitter.com/ipTDMGy3ju
— NEMA Kenya (@NemaKenya) January 3, 2023