Madaxii hore ee ururka qareennada dalka ee LSK Nelson Havi ayaa dalbaday in ay 24 saacadood gudahood ay isku casisho madaxa waaxda cadaaladda ee waddanka garsoore Martha Koome.
Waxaa uu 6-da garsoorayaal ee maxkamadda ugu sarreysa waddanka ee Supreme Court ka codsaday in ay ku taageeraan qorshaha xafiiska looga saaraya Koome.
Bayaan uu soo saaray maanta ayuu Havi ku celceliyay in wakhtiga kama dambeyska ah ee uu u qabtay Koome inay is casisho ay tahay 14-ka bishan.
Nelson Havi ayaa wacad ku maray in haddii ay ku guul dareystaan tixgelinta baaqiisa inuu berri codsi meesha looga saaraayo 6-da garsoore uu gudbin doono.
Havi oo ay weheliyaan qareenno kale oo uu ka mid yahay garyaqaan sare AxmedNaasir Cabdullaahi ayaa si cad ugu baaqay in Martha Koome ay xafiiska baneeyso.
6-dii bishii Diseembar ee sanadkii hore ayay ahayd markii uu Nelson Havi uu warqad u qoray Koome isagoo ka cabanaya in garsoore Lawrence Mugambi uu kaliya go’aamiyay labo dacwadood oo ka mid ah 7 kiis oo uu u gudbiyay.
Si kastaba ha ahaatee, go’aanka ka dhanka ah Martha Koome ayuu Havi xusay in uusan ahayn bartilmaameedsi shakhsiyadeed.