Neef Ida ah oo lagu xukumay 3 sano oo xarig ah ka dib markii lagu helay dambi ah inuu dilay haweeney

0
702

Dhacdo la yaab leh ayaa laga soo sheegayaa dalka Suudaanta Koonfureed, iyadoo neef Ido ah lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah, ka dib markii lagu helay dambi ah inuu dilay haweeney 45 sano jir ah.
Neefka Idaha ah ayaa loo taxaabay xabsiga ka dib markii uu weerarray oo uu feeraha ka dhaawacay haweeney lagu magacaabo Adhieu Chaping .
Haweeneyda ayaa markii dambe uu geeriyootay dhaawici uu u gaystay xolaaha aan aqliga lahayn ee Idaha.
Neefka Idaha ah ayaa hadda lagu hayaa saldhig boolis oo ku yaalla wadanka Suudaanta Koonfureed
Taliyaha saldhigan ayaa sheegay in neefka lagu helay fal dil ah, islamarkaana xabsi 3 sano ah uu ku qaadan doono xero ciidan.
Mar taliyaha wax la weydiiyay sababta aanan loo xiray milkiilihii Idaha dilka gaystay ayuu sheegay sarkaalka in ay ogaadeen in qofkii iska lahaa uu dambiga ka galay oo uu neefku si buuxda mas’uul uga yahay dambiga.
Dhanka kale maxkamadda ayaa milkiilaha idaha ku amartay inuu shan sac ah siiyo qoyska haweeneyda.