NDMA oo warbixin soo saartay ka dib roobabkii da’ay

0
193

Maamulka qaran ee maareynta abaarta ee NDMA ayaa warbixintiisa bishan 6-aad ee June ku sheegay in ismaamullada Kitui iyo Taita Taveta ay hadda ku jiraan heerka feejignaanta maadaama isbeddello dhanka xilliyada ah laga dareemaya.
Warbixinta NDMA waxaa ku cad in afar ka mid ah ismaamullada oomanaha ee ASALs ay ka soo kabanayaan abaartii saameysay maadaama ay roobab da’een intii u dhexeysay bishii Saddexaad ilaa bishii hore ee May.
Dowlad deegaannadan ayaa kala ah Marsabit, Isiolo, Nyeri iyo Kwale.
17 ismaamul oo kale ayaa ku jiro heerka caadiga ah ee abaarta waxayna kala yihiin West Pokot, Baringo, Turkana, Samburu, Laikipia, Narok, Kajiado, Meru, Tharaka Nithi, Embu, Makueni, Tana River, Garissa, Wajeer, Mandera, Lamu iyo Kilifi .
NDMA ayaa dhanka kale sheegtay in weli nafaqo darro ay ka jirto ismaamulladan maadaama ay muddo dheer u dhexeyso ka soo kabashada abaarta iyo helidda cunno shacabka ku filan.
Sidoo kale maamulka qaran ee maareynta abaarta ee NDMA ayaa sheegay in tirada dadka u baahan gargaar cunno ay tahay 4.4 milyan oo qof.
Hasa ahaate waxaa yaraatay masaafadii ay dadka ku qaadan jirtay inay tagaan meelaha biyaha laga helo marka loo barbardhigo bishii hore.
NDMA ayaa ku talinaysa in shacabka cunno la gaarsiiyo sidoo kalena la dedejiyo lacagihii billaha ee la siin jiray qaybaha bulshada ee dhibaatooyinka u nugul.