NDMA oo sheegaysa in abaarta ay sii xumaanaysa

0
239

Maamulka qaran ee maareynta abaaraha ee NDMA ayaa warbixintiisa bishan Tobnaad ku sheegay in saameynta abaarta ee ka jirto 29 ka mid ah ismaamullada wadanka ay ka sii dareysa.
Waxaa xaaladaha ugu daran ay ka jiraan 20 ka mid ah 23-ka dowlad deegaan ee xoolo dhaqatada ee loo yaqaano ASALs.
Tani ayaa loo aaneynayaa in afar xilli oo isku xiga aynan da’in roobabkii la rajeynayay.
Tirada dadka u baahan gargaarka baniaadanimo ee gudaha wadanka ayaa hadda maraysa 4.35 milyan oo qof.
Ismaamullada ay saameynta ugu badan ka jirto waxaa ka mid ah Garissa, Isiolo, Kajiado, Kitui, Mandera, Marsabit, Laikipia, Samburu, Tana River, Turkana,Wajeer , Embu, Kilifi, Kwale, Makueni, Meru, Narok, Nyeri, Tharaka Nithi , Taita Taveta ,Baringo, West Pokot iyo Lamu .