NCIC oo olole nabadeed ku qabatay Narok

0
458

Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee (NCIC) ayaa olole nabadda ku saabsan ka sameeyay ismaamulka Narok.
Barnaamijkan ayaa looga gol-leeyahay in lagu wacyigeliyo dadweynaha ka hor doorashada guud ee sanadkan.
Cabdicasiis Faarax oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee NCIC ayaa laga soo xigtay in ujeeddada ay ka leeyihiin arrintan ay tahay sidii dadweynaha looga dhaadhicin lahaa inay si nabad ah ku wada noolaadaan ka hor doorashada, inta lagu guda jiro iyo marka la soo gabagabeeyo ka dib.