NCIC oo ka digtay hadallada naceybka ku saleysan ee lagu faafiyo baraha bulshada

0
187

Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee (NCIC) ayaa walaac ka muujiyay kiisaska la xiriira hadallada iyo qoraallada naceybka ku saleysan ee lagu faafiyo baraha bulshada.
Guddoomiyaha guddiga NCIC ,Samuel Kobia ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in sanadkan gudihiisa ay la tacaaleen dhacdooyinka naceybka ee baraha bulshada oo gaaraya 95.
Kobia ayaa sheegay in dhacdooyinkan badankooda lagu faafiyay barta X ee horay loo yaqaanay Twitter, tiradan ayaana ah 72.
NCIC ayaa siyaasiyiinta ku boorrisay in ay iska ilaaliyaan siyaasadda qabyaaladda ku saleysan ee lagu sumcad dilo qowmiyadaha kale.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay dhaqdhaqaaqa Tawe ee galbeedka dalka iyo doodda ah in miisaaniyadda qaran lagu qaybsado tirada codbixiyeyaasha ee ka soo cusboonaatay gobolka Bartamaha dalka taasi oo uu u ololeynaya madaxweyne ku xigeenka wadanka Rigathi Gachagua.
Labadan tusaale ayay NCIC ku sheegtay abaabulka siyaasadeed ee qabyaaladeysan.
Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ayaa dhanka kale cambaareeyay adeegsiga ereyada sida “tugeges” ee lagu tilmaamo taageerayaasha garab siyaasadeed.
Luuqaddan ayay ku sheegtay mid la dhibsado oo sumcad dil ah.
NCIC ayaa intaasi ku dartay in kastoo hadallada naceybka ku saleysan ay yaraadeen ka dib doorashadii guud ee sanadkii 2022-kii , haddana in ay sare u kaceen sanadkan gudihiisa.
Guddiga ayaa kenyaanka kula taliyay in ay ka qayb qaataan wada hadallada la isku qadariya ee ku saabsan arrimaha dhaqaalaha iyo bulshada iyadoo aan la adeegsan hadallada naceybka iyo qabyaaladda.