NATO oo sheegtay in Ruushka uu qorsheynaya weerar dheeraad oo ka dhan ah Ukraine

0
290

Xoghayaha guud ee gaashaanbuurta NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in dowladda Ruushka ay isku diyaarinaysa inay dagaal kale oo culus ku qaado wadanka Ukraine.
Waxaa uu sheegay in NATO ay xaqiijin doonto in xukuumadda Kyiv lagu caawiyo hubka ay u baahan tahay si ay uga guulaysato Moscow.
Mas’uulkan ayaa hoosta ka xarriiqay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uunan u diyaar garoobin nabad balse duullaan dheeraad ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo wasiirrada gaashaandhigga ee dalalka ka tirsan gaashaanbuurta NATO ay gelinka dambe ee maanta yeelanayaan kulan ku saabsan sida Ukraine lagu gaarsiin karo gurmad dheeraad oo militari.