Ardayda keentay buundada E ee imtixaanka KCSE-da 2021 ayaa korartay marka loo eego sannadihii hore.
Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa soo saartay xog muujineysa in 46,151 arday ah ay keeneen buundada E.
Ardayda ugu badan ee heshay darajada E ayaa Rag ah kuwaas oo gaaraya (26,578) halka gabdhahana ay ahaayeen 19,573 .
Sannadkii 2020-kii, 15,225 wiilal ah ayaa helay buunada E halka 12,821 ay gabdho ahaayeen.
Tan ayaana muujinaysa in sanadkii 2021-kii ay sare u kacday tirada ardayda ee ku guuldaraystay inay helaan hamigii ay u lahayeen jaamacada.