Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee Kenya, Ezekiel Machogu ayaa goor dhow si rasmi ah u shaaciyay natiijadii ka soo baxday imtixaanaadka fasalka Siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da oo ay ardayda u fadhiisteen dabayaaqadii bishii hore iyo horraantii bishan.
Wasiirka oo natiijada ku soo bandhigay xarunta cusub ee golaha KNEC ee New Mitihani House ee xaafadda South C, magaalada Nairobi, ayaa sheegay in ardaygii ugu horreeyay uu helay 428 dhibcood halka laga doonayay 500.
Hasa ahaate ma uunan shaacin magaca ardayga tani oo ka duwan sida uu horay dhaqanku ahaa.
KCPE-da sanadkan ayaa ahayd midii ugu dambeysay ee ay ardayda sameeyaan ka hor inta aan si buuxda loogu wareegin manhajka CBC.
Ezekiel Machogu ayaa waalidiinta u sheegay inay natiijada carruurtooda ku baari karaan inay nambarkii lagu diiwaangeliyay ardayga oo dhameystiran oo ay weheliso ‘KCPE’ ay farriin gaaban ahaan ugu diraan nambarka 40054.
Waxaa buundooyin ka sarreeya 400 helay arday ay tiradooda kor u dhaafaysa 8,525.
Inta u dhexeysa 300 ilaa 399 dhibcood waxaa helay arday dhan 352,782.
Sidoo kale dhibcaha 200 ilaa 299 waxaa helay arday gaaraya 658,278.
Waxaa dhibcaha 100 ilaa 199 waxaa helay arday gaaraya 383,025 halka ardayda imtixaanka KCPE-da ee natiijadiisa maanta la shaaciyay ka soo hooyay dhibco ka hooseeya 100 ay tiradoodu tahay 2,060 sida laga soo xigtay wasiirka tacliinta ee Kenya.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in labo arday oo kaliya ee sanadkan imtixaanka KCPE ku lug yeesheen xatooyada imtixaanka, iyadoo mid ka mid ah lagu helay taleefoonka gacanta.
Falcelinta la xiriirta natiijada KCPE-da iyo faahfaahinta dhanka waqooyi bari wararka dambe ee idaacadda ayaad ku dhageysan doontaan.
Waxaa sanadkan imtixaanka KCPE-da u fadhiistay arday dhan 1.4 milyan.
Dhanka kale, wasiirka waxbarashada ayaa sheegay in arday gaareyso 9,354 ee ku guuldareystay inay u farriistaan imtixaanka KCPE ee sanadkan ay bisha Kowaad ee sanadka dambe ee 2024-ka uu fadhiisan doonaan imtixaan gaar ah.