Natiijada imtixaanka KCPE oo maanta la shaacin doono

0
369

Golaha imtixaannada qaran ee KNEC ayaa sheegay in wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Mr. Ezekiel Machogu uu saaka shaacin doono natiijada imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da.
Natiijada ayaa looga dhawaaqi doonaa xarunta cusub ee golaha KNEC ee New Mitihani House ee xaafadda South C, magaalada Nairobi.
Waxaa madashaasi ka qayb galaya Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr. Belio Kipsang, madaxa fulinta ee golaha imtixaannada qaran ee KNEC Dr .David Njengere iyo mas’uuliyiin kale.
Waxaa sanadkan imtixaanka KCPE-da u fadhiistay 1.4 milyan oo arday ah.
Waxaa sidoo kale la soo saaraya natiijada qiimeynta ardayda fasalka 6-aad ee dugsiyada hoose dhexe ee Grade 6 ee KPSEA oo ay sanadkan sameeyeen 1.2 milyan oo arday ah.
KCPE-da sanadkan ayaa ahayd midii ugu dambeysay ee ay ardayda sameeyaan ka hor inta aan si buuxda loogu wareegin manhajka CBC ee la doonayo in ardayda xilli hore looga soo dhiso dhanka xirfadaha.
Ka dib marka ay wasaaradda tacliinta ee dalka si rasmi ah ugu dhawaaqdo natiijada imtixaanka fasalka 8-aad ee KCPE-da ayaa waxaa uu arday kasta natiijadiisa ku heli karaa in nambarkii lagu diiwaangeliyay ee Index Number uu fariin gaaban ahaan ugu diro 40054 waxaana kaa go’aysa 25 shilin.