Natiijada imtixaanka KCPE-da oo lagu dhawaaqay

0
623

Waxaa gor dhow shaaca laga qaaday natiijada imtixaanka dugsiga hoose dhexe ee fasalka siddeedaad ee KCPE-da.
Magata Brace Mackenzie ayaa noqday ardayga ugu horreeya ee imtixaanka KCPE-da ee sanadka 2021-ka isagoo helay 428 buundo.
Waxaa uu wax ka barta dugsiga hoose ee dhexe ee Gilgil Academy ee ismaamulka Nakuru.
Waxaa kaalinta labaad soo gashay arday lagu magacaabo Momanyi Ashley Kerubo oo heshay 427 buundo halka Kuoma Charity iyo Mbugua Sharon Wairimu ay isla qabsadeen kaalinta saddexaad iyagoo helay min 426 buundo.
Waxaa ay ardayda buundada ee keeneen ku ogaan karaa, iyagoo farriinta gaaban ee 20076 ku diraya nambarkii imtixaanka ay isku diiwaangeliyeen.
Natiijada maanta la shaaciyay ayaa ahayd midii sanad dugsiyeedkii 2021-kii oo ay ardayda sameyeen bishii hore saameynta uu cudurka COVID-19 ku yeeshay jadwalka waxbarasho ee wadanka awgeed.
Ardayda ayaa imtixaanka shahaaddiga ee KCPE-da sameeyay intii u dhexeysay 7-dii ilaa 9-kii bishan.
1,225,597 ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ayaa la filayaa in bisha 5-aad ee sanadkan ay ku biiraan dugsiyada sare.