Barasaabka ismaamulka Trans Nzoia George Natembeya ayaa maanta oo Talaado ah iska fogeeyay eedeeymaha musuqmaasuqa ee ka dhanka ah.
Waxaa uu ka soo hor muuqday Garsoore Charles Ondieki oo ka tirsan Maxkamadda La dagaalanka Musuq maasuqa ka dib markii habeen hore lagu xiray xafiisyada guddiga Anshaxa iyo La dagaalanka Musuqmaasuqa (EACC).
Marka loo eego warqada dacwadda, guddoomiye Natembeya ayaa waxaa uu wajahayaa saddex dacwadood oo kala ah hanti dadweyne oo si sharci darro ah u qaatay, iska horimaadka danaha iyo in si dadban uu uga faa’iidaystay hantida dadweynaha.
Kooxda Xeer ilaalinta ayaa ku eedeysay in intii u dhaxeysay 1-dii Janaayo 2023 iyo 30-ka April 2025-ka guddoomiyaha uu dano lacageed oo aan toos ahayn ka helay lacagihii degmada ay siisay shirkadaha isaga lala xiriirinaayo.
Gaar ahaan, guddoomiyaha ayaa lagu eedeeyay inuu ka faa’iidaystay lacag is dhaafsiga u dhexeeysay Maamulka Gobolka Trans Nzoia iyo haweeney lagu magacaabo Mercy Chelangat, agaasimaha Lyma Agro Science iyo mulkiilaha Maira Store.
Labadan shirkadood ayaa lagu eedeeyay in ay ganacsi firfircoon la lahaayeen gobolka. Xeer ilaalinta ayaa ku andacoonaysa in Natembeya uu si sharci darro ah ku helay lacag dhan 3,252,568 shillin iyadoo loo mariyay lacago la siiyay Lyma Agro Science, Maira Store iyo Easterly Winds Limited dhammaan shirkadahan oo la sheegay inay guddoomiyaha xiriir la leeyihiin.
Intii lagu guda jiray kalfadhiga Talaadada, dacwad oogaha dowladda dhexe Alex Akhula ayaa si adag uga soo horjeestay codsiga dammaanadda Natembeya, isaga oo tixraacaya baaritaannada socda iyo khatarta faragelinta markhaatiyaasha.
Waxaa uu intaa ku daray in dukumentiyo muhiim ah la waayay mar ay dadka deegaanka burburiyeen baabuurta EACC taasoo ka dhigan in cadaymaha muhiimka ah laga yaabo in la xaday.
Iyaga oo ka jawaabaya, kooxda sharciga ah ee Guddoomiyaha Natembeya ayaa meesha ka saaray sheegashada dacwad oogista oo ay ku tilmaameen mid aan sal iyo raad lahayn oo siyaasadeysan. Qareenka difaaca ee barasaabka Njeru ayaa ku dooday in dhaarta ay dowladda soo bandhigtay ay ka maqan tahay cadaymo xaqiiqo ah oo ay salka ku hayso mala awaal kaliya.
Qareenada Natembeya ayaa intaa ku daray in maqnaanshaha cadaymo la taaban karo, ay tahay in maxkamada ay iska indhatirto cadaymaha xeer ilaalinta oo ay siiso gudoomiyaha dammaanad.