Waxaa lagu soo warramayaa inay xaaladooda caafimaad liidato labo wiil oo ay miino kula qaraxday ismaamulka Narok.
Carruurtan oo ay da’doodu tahay 12 iyo 6 sano jir oo ari la jiray ayay dhaawacyo dhanka indhaha iyo lugaha ah ka soo gaareen miinada.
Waxaa hadda lagu daaweynaya isbitaalka wayn ee Narok.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay tuulada Kikurrukur ee degmada Majimoto .
Ilo wareedyo maxalli ah ayaa warbaahinta u sheegay in waxyaabaha qarxa lagu arkay xarun ay ciidamada militariga tababaro ku qaadan jireen Sideetameeyadii.




