Naqshadeeyaha DCI oo shil ku dhintay

0
487

Waaxda dambi baarista dalka ayaa sheegtay inay murugada la qaybsanayso qoyska uu ka baxay Boniface Muganda oo u qaabilsanaa dhanka naqshadeynta hal-abuurka ku saleysan oo shil ku dhintay.
Waxay sheegtay in xilli oo mooto ku waday aagga waddada wayn ee Northern Bypass in baabuur soo gaaray uu ku dhacay.
Waxaa uu ka tirsanaa shaqaalaha waaxda DCI ee dhanka isgaarsiinta iyo xiriirka bulshada.
Laanta dambi baarista wadanka ayaa intaasi ku dartay in qof samafale ah uu Boniface geeyay isbitaalka qaran ee Kenyatta balse uu ugu dambeyn geeriyooday.
DCI ayaa hadda billowday baaritaano ku aaddan shilka uu ku dhintay sarkaalka ka mid ahaa shaqaalaheeda iyadoo la doonayo in la soo xiro darawalkii waday baabuurkii ku dhacay mootada sarkaalka.
Waxay dhanka kale gaadiidleyda ugu baaqday inay taxaddar muujiyaan si mustaqbalka shilal looga hor tago.