Guddoomiyaha ismaamulka Turkana kana mid ah xulafada siyaasadeed ee madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto , Josephat Nanok ayaa sheegay inay jiraan tabashooyin uu qabo isbeheysiga Kenya Kwanza oo ku aaddan doorashada guud ee sanadkan.
Xilli uu u xalay u warramay telefishinka maxalliga ee Citizen , ayuu Nanok sheegay inay su’aal gelinayaan qaabka uu guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ugu diyaar garoobay maareynta codeynta.
Nanok oo sidoo kale ah madaxa xoghaynta ololaha madaxweyne ee Ruto ayaa xusay in ilaa iyo hadda aynan caddeyn kaalinta laamaha ammaanka ay ka qaadan doonaan doorashada guud.
Waxaa uu sheegay inay dareemayaan in looga eexanaya dhanka musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga.