Nairobi:Eedeysane loo xiray dhac hantiyeed iyo kufsi

0
278

Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigay James Mwangi Wanjahi oo 39 sano jir ah.
Waxaa laga soo qabtay aagga Kabete ee ismaamulka Nairobi oo uu ku dhuumanayay.
James ayaa ku eedeysan inuu haweeney u gaystay dhac iyo kufsi.
Waxaa la raadinayay tan iyo 17-kii bishii hore.
James ayaa haweeneyda oo 40 sano jir ah u soo bandhigay qorsho ganacsi ka hor inta uunan ku xadgudbin.
Sidoo kale saraakiisha DCI-da ayaa howlgalka ku soo helay taleefoon uu ka dhacay haweeneyda oo ka mid ah ganacsatada Githurai.
Waxay bishii hore saraakiisha ka howlgalo saldhigga booliiska ee Kikopey ee deegaanka Gilgil ee ismaamulka Nakuru ay u sheegtay in iyada iyo eedeysanaha ay ku kulmeen bartamaha magaalada Nairobi.
Waxaa uu qorshuhu ahaa inay ka wada hadlaan arrimo ganacsi wuxuuna iska dhigayay qof macaamiil ah oo u baahan in ay badeeco ka iibiso.
Hasa ahaate ka dib markii ay kulmeen ayuu baabuur ku qaaday isagoo u sheegay inay tagayaan meel ku habboon inay wada hadlaan.
Balse saacado ka dib ayay dib u soo miirsatay iyadoo ku dhex jirta baabuurka oo looga tagay keyn ku taalla Gilgil, lagana dhacay lacag dhan 17,000 oo shilin , taleefoonka gacanta sidoo kalena la kufsaday.
Tuhmanaha ayaa hadda loo wareejiyay saldhigga booliiska ee Gilgil wuxuuna maraya baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.