Nairobi: Maamulka NACADA oo 4 qof u xiray ka ganacsiga shiishadda

0
190

Maamulka qaran ee la dagaalanka isticmaalka daroogada ee (NACADA) ayaa gacanta ku dhigay afar qof oo ku eedeysan iibinta iyo ka ganacsiga shiishadda.
Shakhsiyaadkan ayaa lagu xiray howlgal xalay laga fuliyay makhaayadda Oyster Bay Cafe ee deegaanka Kilimani ee ismaamulka Nairobi.
Eedeysanayaasha la xiray ayaa isugu jiray maareeyihii, labo iibinaysay iyo mid shiishadda sameeya.
Howlgalka ayaa sidoo kale lagu soo qabtay 46 sheey oo isugu jiro qalabka shiishadda lagu isticmaalo iyo waxyaabaha laga sameeyo.
Eedeysanayaasha ayaa hadda lagu hayaa saldhig booliis ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.
Waxaa lagu soo oogi doona dacwad la xiriirta ku lug lahaanshaha ka ganacsiga sharci darrada ah ee shiishadda.
Xeerka caafimaadka dadweynaha ee la soo saaray sanadkii 2017-kii ayaa gudaha Kenya looga mamnuucay in wadanka la soo geliyo, lagu dhex sameeyo, lagu dhex iibiyo, isticmaalka, qaybinta iyo xayeysiinta shiishadda.
Shiishadda ayaa horay looga mamnuucay dalalka Bariga Afrika sida Uganda, Tanzania iyo Rwanda.